Dowladda Federaalka Oo Muqdisho ka Mamnuucday Adeegga Aamin Ambulance.

Wednesday April 10, 2019 - 09:18:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Oo Muqdisho ka Mamnuucday Adeegga Aamin Ambulance.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka mamnuucday adeeg caafimaad oo muhiim u ahaa dadka danyarta ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka mamnuucday adeeg caafimaad oo muhiim u ahaa dadka danyarta ah.

Taliska Booliska dowladda ayaa amar ku siiyay in lajoojiyo gaadiidka gurmadka degdegga ah ee isbitaallada udaabula dadka dhaawacyada qaba arrinkaas oo saameyn ballaaran keeni doono.

adeegga Aamin Ambulance oo muddo 12 sanadood ah ka shaqeynayay degmooyinka gobolka Banaadir ayaa lajoojiyay sida uu xaqiijiyay  madaxa Aamin Ambulance Dr. C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadam.

isagoo wareysi siinayay Telefeshinka BBC-da ayuu sheegay in Taliska booliska dowladda Federaalka ay amar ku bixiyeen joojinta gaadiidka gurmadka degdegga ah arrinkaas oo uu ku tilmaamay mid nasiib darra ah.


"12 Sano ayay Aamin Ambulance shaqeyneysay oo ay khibrad heysataa, wax dhibaato ah oo laga sheegtay ma jirto inay dadka u gargaarto mooyee, waxaa Booliska na fareen inaan joojino shaqada, waana u hoggaansanayā€¯ayuu yiri Dr. C/qaadir C/raxmaan.

Haweenay uhadashay taliska ciidanka booliska dowladda Federaalka ayaa qoraal ay  ku faafisay baraha bulshada ku beenisay in ay mamnuuceen adeegga Ambalaasta balse madaxda iyo shaqaalaha Amiin Ambulance ayaa xaqiijiyay in shaqada laga joojiyay iyagoo walaac ka muujiyay in dadka ku waxyeelooba qaraxyada iyo shilalka gaadiidka ay weyn doonaan gaadiid gaarsiiya goobaha caafimaadka.

Tani waa cadaadis kale oo DF-ka ay ku heyso shacabka Muqdisho oo horay ay uga xirtay waddooyinka waaweyn islamarkaana ay howlgallo raaf ah ka waddo degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items