Taliban Oo Diyaarad B52 ah Mareykanka Ugasoo Ridday Koonfurta Afghanistan.

Wednesday April 10, 2019 - 10:57:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliban Oo Diyaarad B52 ah Mareykanka Ugasoo Ridday Koonfurta Afghanistan.

    Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa ku dhawaaqday in ay dhulka soo dhigay diyaarad dagaal oo uu leeyahay Melleteriga Mareykanka ee duullaanka gardarada ah ku jooga wadankaas muddo 18 sanadood ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa ku dhawaaqday in ay dhulka soo dhigay diyaarad dagaal oo uu leeyahay Melleteriga Mareykanka ee duullaanka gardarada ah ku jooga wadankaas muddo 18 sanadood ah.


Qaari Yuusuf Axmedi oo kamid ah Afhayeennada Imaarada Islaamiga ayaa sheegay in ciidamadoodu ay dhulka soo dhigeen diyaarad nuuceedu yahay B52 xilli ay dul heehaabaysay mandiqadda Lar oo katirsan gobolka Helmand ee dhaca Koonfurta dalka Afghanistan.

Taliban waxay sheegtay in diyaaraddu burburtay islamarkaana ay dhinteen dhammaan shaqaalihii la socday waxaana la arkayay qiic iyo Uuro cirka isku shareeray deegaanka diyaaraddu kusoo dhacday.


Diyaaradda B52 waxay kamid tahay diyaaradaha ugu casrisan ee ay ku faanto dowladda Mareykanka waana diyaarad ku fadhida qiima lacageed oo Balaayiin dollar ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items