Sarkaal Katirsan Booliska DF oo Ka Badbaaday Qarax Lagula Beegsaday Makka Al Mukarrama.

Wednesday April 10, 2019 - 13:38:52 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsan Booliska DF oo Ka Badbaaday Qarax Lagula Beegsaday Makka Al Mukarrama.

    Qarax xooggan ayaa markale maanta ka dhacay wadada Makka Al Mukarrama oo ammaankeeda ay si aad ah u ilaaliyaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax xooggan ayaa markale maanta ka dhacay wadada Makka Al Mukarrama oo ammaankeeda ay si aad ah u ilaaliyaan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.


Maanta duhurkii ayuu qarax xooggan haleelay gaari uu watay mas'uul katirsan Booliska dowladda Federaalka, goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu burburiyay gaariga balse uu si dirqi ah ku badbaaday sarkaalka bartilmaameedka ahaa.

Col.Koronto oo kamida ahaa taliska ciidamada Booliska ayaa la xaqiijiyay in uu qaraxa ka badbaaday balse gaarigii uu la socday ayaa la sheegay in uu gubtay, Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.


Qaraxan ayaa kusoo aadaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyay islamarkaana ciidamada dowladdu ay waddooyinka halbowlayaasha ah ka xireen shacabka rayidka ah waxaana muuqata in qaraxyada Al Shabaab ay yihiin kuwa aan laga hortagi karin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items