Melleteriga Suudaan Oo Inqilaab Ku Riday Madaxweyne Al Bashiir.

Thursday April 11, 2019 - 10:05:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Melleteriga Suudaan Oo Inqilaab Ku Riday Madaxweyne Al Bashiir.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in ciidamada Melleteriga wadankaas ay Inqilaab Melleteri jagada uga tuureen Cumar Xasan Al Bashiir oo ahaa madaxweynihii wadanka 30-kii sanadood ee lasoo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in ciidamada Melleteriga wadankaas ay Inqilaab Melleteri jagada uga tuureen Cumar Xasan Al Bashiir oo ahaa madaxweynihii wadanka 30-kii sanadood ee lasoo dhaafay.


Ciidamo wata gaadiidka gaashaaman ayaa la wareegay xarunta Raadiyaha iyo Telefeshinka wadanka waxayna iclaamiyeen in Al Bashir uusan aheyn madaxweynaha wadanka.

War rasmi ah oo lagasii daayay warbaahinta Afka dowladda ku hadasha ayaa lagu sheegay in taliska ciidanka Melleteriga uu goordhow baahin doono bayaan ku saabsan inqilaabka aan dhiigga ku daadan ee Suudaan ka dhacay.


Goob joogayaal ayaa sheegay in dabaabaadka ciidanka Melleteriga ay isku gedaameen qasriga madaxtooyada, xarunta golaha Baarlamaanka islamarkaana ay xireen dhammaan garoomadaha diyaaradaha Suudaan.

Cumar Xasan Al Bashiir iyo Wasiirkiisi difaaca Cabdi Raxiim Max'med Xuseen ayaa laxiray iyo dhammaan mas'uuliyiinta xisbiga talada haya, tallaabadan ay qaadeen saraakiisha ciidamada ayaa timid Kadib Afar bilood oo wadanka ay ka socdeen kacdoonno ay shacabku ku dalbanayeen in uu isku casilo madaxweynaha islamarkaana uu dhiso dowlad madani ah oo wax ka qabata sicir bararka baahsan ee Suudaan kajira.

Al Bashiir ayaa talada wadanka Suudaan Inqilaab melleteri ku qabsaday sanaddii 1989-kii wuxuuna wadanka ku maamulayay gacan melleteri, dhacdooyinkii ugu xumaa ee uu usoo joogay intii uu talada hayay waxaa kamid ahaa kala go'itaankii waqooyiga iyo Koonfurta iyo dagaalka ka holcaya gobolka Daarfoor.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items