Wararkii Ugu Dambeeyay: Xaaladda Suudaan Shacabka Kacdoonka Wada oo Qasriga Madaxtooyada udhaqaaqay iyo Melleteriga oo Bayaan soo saaraya.

Thursday April 11, 2019 - 12:09:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay: Xaaladda Suudaan Shacabka Kacdoonka Wada oo Qasriga Madaxtooyada udhaqaaqay iyo Melleteriga oo Bayaan soo saaraya.

    Hoggaanka ugu sarreeya ciidanka Melleteriga wadanka Suudaan ayaa kusoo qulqulaya xarunta Raadiyaha iyo Telefeshinka magaalada caasimadda ah ee Al Khurduum halkaas oo saaka ay la wareegeen kuna dhawaaqeen in ay rideen dowladdii Cumar Xasan Al Bashiir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka ugu sarreeya ciidanka Melleteriga wadanka Suudaan ayaa kusoo qulqulaya xarunta Raadiyaha iyo Telefeshinka magaalada caasimadda ah ee Al Khurduum halkaas oo saaka ay la wareegeen kuna dhawaaqeen in ay rideen dowladdii Cumar Xasan Al Bashiir.


Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in goordhow labaahin doono bayaan rasmi ah oo ay soo saarayaan ciidamada Meleteriga, saraakiisha ciidanka ayaa ku mashquulsan qaabka loo qorayo bayaanka oo adduunka oo idil iyo shacabka wada sugayaan.

Wakaaladaha wararka ayaa faafiyay in xabsiga ladhigay mas'uuliyiinti ugu sarraysay wadanka Suudaan sida Ku xigeenkii Al Bashiir ninka lagu magacaabo Cali Cusmaan Daaha iyo Axmed Haaruun oo ahaa ku xigeenkii Xisbiga talada haya, sidoo kale saraakiisha laxiray waxaa kamid ah Cabdi Raxiim Max'med Xuseen oo ahaa wasiirkii hore ee Difaaca.


Boqolaal gaadiidka gaashaaman ah oo ay la socdaan ciidamada saraakiisha Melleteriga ayaa isku hareereeyay qasriga madaxtooyada oo larumeysanyahay in lagu haayo Cumar Xasan Al Bashiir balse laga xayuubiyay dhammaan wixii xasaanad maamul ah ee uu lahaa.

Kumanaan kun shacab ah ayaa taagan fagaarayaasha waaweyn ee wadanka Suudaan waxayna ka war dhowrayaan bayaanka kasoo bixi doono taliska ugu sarreeya ciidamada melleteriga ee Inqilaabka sameeyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items