Maxaabiistii Ku xirneed Xabsiyada Suudaan oo lasii dayaay iyo dabaal degyo bilaawday.

Thursday April 11, 2019 - 13:41:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaabiistii Ku xirneed Xabsiyada Suudaan oo lasii dayaay iyo dabaal degyo bilaawday.

    iyadoo qeyb ka ah isbedellada dhanka maamulka ah ee wadanka ka dhacay ayaa xabsiyada lagasii daayay dhammaan dadkii lagu qabtay kacdoonnada shacbiga ee wadanka Suudaan ka socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

iyadoo qeyb ka ah isbedellada dhanka maamulka ah ee wadanka ka dhacay ayaa xabsiyada lagasii daayay dhammaan dadkii lagu qabtay kacdoonnada shacbiga ee wadanka Suudaan ka socda.


Wararka ka imaanaya Suudaan ayaa sheegaya in Xabsiga fadeexadda ku caanbaxay ee Al Koobar lagasii daayay dhammaan dadkii ku xirnaa gudaha xabsiga sida uu sheegay taliska Sirdoonka xukuumadda dabadhilifka ah Ee Suudaan kajira.

War kasoo baxay taliska sirdoonka ayaa lagu sheegay in dhammaan xabsiyada wadanka lagasii daayay dadkii u xirnaa arrimaha siyaasadda balse waxaa wali xabsiyada ku xiran dadka ku eedaysan dambiyada waxa loogu yeero Argagaxisada.


Rasaas xooggan oo maanta barqadii ka dhacday hareeraha xarunta Taliska ciidanka magaalada Al Khurduum ayaa lagu sheegay mid loogu dabaal degayay isbedelka dhanka maamulka ah ee wadanka ka dhacay.

Boqolaal qof oo Suudaaniyiin ah ayaa taagan waddooyinka magaalada Al Khurduum waxayna ka dalbanayaan saraakiisha ciidanka ee kulanka ku leh xarunta meleteriga in ay talada maamulka ku wareejiyaan shacabka kacdoonka wada waxayna uga digeen in isbedelka dhacay uusan lamid noqon maamulkii Albashiir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items