Dowladda Kenya Oo Ka Hadashay Weerar Afduub ah oo ka dhacay Duleedka degmada Mandheera.

Saturday April 13, 2019 - 09:17:38 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya Oo Ka Hadashay Weerar Afduub ah oo ka dhacay Duleedka degmada Mandheera.

    Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in weerar hubeysn oo ka dhacay duleedka magaalada Mandheera uu dhaliyay khasaara dhimasho oo soo gaartay mid kamida saraakiisha ciidamada Booliska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in weerar hubeysn oo ka dhacay duleedka magaalada Mandheera uu dhaliyay khasaara dhimasho oo soo gaartay mid kamida saraakiisha ciidamada Booliska.

Afhayeen u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in xoogag hubeysan ay weerar dhabagal ah udhigeen gaari ay la socdeen dhaqaatiir caafimaad oo u dhashay wadanka Kuuba.

Weerarka ayaa sababay dhimashada sarkaal katirsan ciidamada Booliska Kenya oo u xilsaarnaa ilaalinta shaqaalaha u dhashay wadanka Kuuba kuwaas oo muddo sanada ah ka howlgelayay gudaha Kenya.

Warbaahinta maxalliga Kenya oo soo xiganaysa saraakiisha Booliska ayaa sheegtay in xoogagga weerarka geystay ay ka gudbeen xuduud beenaadka ayna gudaha ugaleen dalka Soomaaliya.


Shaqaalaha udhashay wadanka Kuuba ee la qafaashay ayaa qeyb ka ahaa illaa 100 qof dhaqaatiir Kuubaan ah oo wadanka Kenya yimid sanaddii 2018 waxayna ka shaqeynayeen arrimaha caafimaadka ee gobollada wadanka.

Tani ayaa qeyb ka ah falalka ammaan darro ee kajira wadanka Kenya tan iyo sanaddii 2011 xilligaas oo ciidanka Melleteriga Kenya ay duullaan garadarra ah kusoo qaadeen Soomaaliya.

Bishii November ee sanaddii 2018 ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay sidaan oo kale haweenay udhalatay wadanka Talyaaniga ugu qafaasheen gudaha Kenya illaa iyo haddana lama hayo raq iyo ruux halka ay jaan iyo cirib dhigtay haweenayda laqafaashay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items