Askari 2 Qof Shacab ah ku dilay Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Saturday April 13, 2019 - 09:41:11 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari 2 Qof Shacab ah ku dilay Degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

    Askari katirsan ciidamada Booliska dowladda Farmaajo ayaa markale qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho xilli ciidamadu ay sare uqaadeen tacadiyada ay ugeysanayaan dadka rayidka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari katirsan ciidamada Booliska dowladda Farmaajo ayaa markale qof shacab ah ku dilay magaalada Muqdisho xilli ciidamadu ay sare uqaadeen tacadiyada ay ugeysanayaan dadka rayidka ah.

Saaka aroortii hore ayuu askari  hubeysan si bareer ah utoogtay wiil dhalinyara ah oo Moota Bajaaj ku kaxaynayay isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askariga dilka geystay uu si nabad gelya ah goobta uga baxsaday, Meydadka Darawalka Mootada ayaa muddo daqiiqada ah goobta yiillay mana jirin wax dabagal ah oo saraakiisha Booliska ay ku sameeyeen askariga dilka geystay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qof shacab ah oo saarnaa Moota Bajaajta uu dhintay kadib markii ay haleeshay rasaastii uu askarigu ku dilayay Darawalka Mootada.


Dilalka ka dhanka ah darwallada Boota Bajaajta ayaa kusii kordhaya degmooyinka gobolka Banaadir, bishii lasoo dhaafay ayay ciidamada dowladu sidaan oo kale udileen darawallo kaxaynayay Bajaaj.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items