Mas'uuliyiin Katirsan Dowladda Itoobiya oo loo xiray Musuq Maasuq iyo wax isdaba marin.

Saturday April 13, 2019 - 10:01:47 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiin Katirsan Dowladda Itoobiya oo loo xiray Musuq Maasuq iyo wax isdaba marin.

    Ciidamada Booliska dowladda Itoobiya ayaa xaqiijiyay xabsiga ladhigay mas'uuliyiin sarsare oo katirsanaa dowladda kuwaas oo lagu eedeeyay Musuq maasuq iyo xatooyada hanti dadweyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Booliska dowladda Itoobiya ayaa xaqiijiyay xabsiga ladhigay mas'uuliyiin sarsare oo katirsanaa dowladda kuwaas oo lagu eedeeyay Musuq maasuq iyo xatooyada hanti dadweyne.


Warbaahinta ku hadasha Afka dowladda Xabashida Itoobiya ayaa sheegtay in laxiray 61 sarkaal oo ay kamid yihiin mas'uuliyiin sarsare kuwaas oo ku lug lahaaday xatooyo iyo wax isdaba marin.

Dadka laxiray waxaa kamid ah Nin lagu magacaabo Yigezu Daba oo ahaa agaasimaha hay'adda guud ee Iibka dowladda Itoobiya galaangalna ku lahaa kaabayaasha dhaqaalaha wadanka.

Berhanu Tsegaye oo ah Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Itoobiya ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Addis Ababa in maxkamad lasoo taagi doono saraakiisha loo xiray arrimaha musuq maasuqa laxiriira.


Ilo wareedyo ayaa u xaqiijiyay wakaaladda wararka Reuters  in saraakiil katirsan wasaaradda Maaliyadda iyo taliska ciidanka Melleteriga ay kamid yihiin dadka loo xiray arrimaha musuq maasuqa la xiriira.

Xubno kamid ah xisbiga talada haya ee EPRDF ayaa sidoo kale kamid ah mas'uuliyiinta xabsiyada loo taxaabay waxayna dhammaantood ku eedaysanyihiin xatooyada hanti guud iyo wax isdaba marin, tan iyo markii uu Abiy Axmed noqday R/wasaaraha Itoobiya ayay isisoo tarayeen qalalaasaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee kajira wadankaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items