Hoggaamiyihii Inqilaabka Ku qabsaday Talada Wadanka Suudaan oo si lama filaan ah isku Casilay.

Saturday April 13, 2019 - 11:03:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyihii Inqilaabka Ku qabsaday Talada Wadanka Suudaan oo si lama filaan ah isku Casilay.

    Waxaa si lama filaan ah isku casilay Jeneraalkii hoggaaminayay Inqilaabkii Melleteri ee wadanka Suudaan ka dhacay khamiistii lasoo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof oo isku gedaamay gaariga Jeneral Cowf
Waxaa si lama filaan ah isku casilay Jeneraalkii hoggaaminayay Inqilaabkii Melleteri ee wadanka Suudaan ka dhacay khamiistii lasoo dhaafay.


Jeneraal Cawad Bin Cowf oo ahaa wasiirka difaaca iyo guddoomiyaha golaha Melleteriga KMG ah ayaa xalay ku dhawaaqay in uu iskacasilay xilkii uu hayay waxaana durbadiiba loo dhaariyay Jeneraal Cabdi Fataax Al Burhaan oo kamid ahaa mas'uuliyiinta ciidanka dowladda Suudaan.

Bayaan uu Bin Cowf xalay ka akhriyay Telefeshinka Afka dowladda ku hadla ayuu ku sheegay in uu ka tanaasulay xilkii uu hayay si looga fogaado khilaaf iyo kala qeybsanaan hor leh wuxuuna ugu baaqay dhammaan saraakiisha golaha Melleteriga KMG ah in ay la shaqeeyaan hoggaanka cusub.


Kumanaan kun oo qof ayaa durbadiiba dabaal degyo ka dhigay magaalada caasimadda ah ee Al Khurduum saacado kadib markii uu iscasilaadda ku dhawaaqay Jeneraal Bin Cowf, dadka ayaa ku qeylinayay Erayo ay kamid ahaayeen "Midkii labaad ayaa dhacay" oo ay ula jeedaan in Jeneraal Cawad uu ahaa ninka 2aad ee ku xigay Al Bashiir.

Guddiyada Kooxaha Kacdoonka wadanka Suudaan ayaa durbadiiba soo dhoweeyay isbedelka lagu sameeyay hoggaanka ciidamada waxayna sheegeen tani in ay tahay dib usixidda khaladaadkii dhacay waxayna dalbadeen in si degdeg ah loosoo dhiso xukuumad Rayid ah oo ka duwan middii uu Al Bashiir madaxda ka ahaa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items