Dibad baxyo ka dhan ah Dowladda Farmaajo Oo Gilgilay magaalada Muqdisho.

Saturday April 13, 2019 - 16:15:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dibad baxyo ka dhan ah Dowladda Farmaajo Oo Gilgilay magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dibad baxyo saameyn reebay oo maanta gilgilay inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dibad baxyo saameyn reebay oo maanta gilgilay inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.

Dibad baxyada oo ahaa kuwa rabshado wata ayaa bilaawday maanta barqadii kadib markii ay ciidamada dowladda Federaalka ay laba qof shacab ah oo mid kamid uu ahaa darawalka Moota Bajaaj.

Kumanaan kun qof ayaa taayarro ku gubay wadada Wadnaha iyo dhammaan isgoysyada ku teedsan wadadaas dadka ayaa ku qeylinayay Erayo ka dhan ah Farjaajo iyo kheyre.

Sidoo kale iskusoo baxyo xooggan ayaa ku fiday wadada Makka Al Mukarrama illaa iyo isgoyska KM4 ee degmada Hodon halkaas oo ay buux dhaafiyeen dad ubadan darawallada gaadiidka dadweynaha iyo shacabka caadiga ah oo ka cabanaya xirnaashiyaha waddooyinka muhiimka ah.


Cabdi Raxmaan Yariisoow oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska ayaa dadka dibad baxyada dhigayay kula hadlay waddooyinka waxayna ka codsadeen in ay isdajiyaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items