Daawo Video: Farmaajo oo si cara leh uga hadlay kacdoonka shacbiga Muqdisho.

Sunday April 14, 2019 - 09:12:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Farmaajo oo si cara leh uga hadlay kacdoonka shacbiga Muqdisho.

    Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cara leh uga hadlay dibad baxyadii shalay gilgilay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cara leh uga hadlay dibad baxyadii shalay gilgilay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Max'med Cabdullaahi Farmaajo oo ah madaxweynaha dowladda Federaalka ayaa khudbad uu jeediyay si aad ah ugu weeraray shacabka Muqdisho ee muujinaya cabashada ay ka qabaan xanibaadda lagusoo rogay dhaq dhaqaaqooda ganacsiga iyo isku socodkooda.

Farmaajo ayaa dadkii dibad baxyada ka dhigay waddooyinka ku sifeeyay kuwa taageero u ah wax uu ugu yeeray Argagaxiso  "annagu ma xoog baan ku nimid, anaga rabitaankiinaan ku nimid, qofkii wax tabanaaya ma aha in uu cadaalada iyo sharciga gacantiisa ku qaato, ma aha inuu bur buriyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, ma aha inuu gacan siiyo Cadawga aan la dagaaleeno ee Argagixisada ah, banaan bax aan sharciyeysneyn ma yeeleynoā€¯ ayuu yiri  Farmaajo.


Hoggaamiyaha Dowladda Federaalka ayaa isku dayay in uu qiil uyeelo fashilka ka heysta dhanka amniga iyo siyaasaddda wuxuuna kooxaha maamulkiisa mucaaradsan ku eedeeyay in ay dadka ku kicinayaan arrimaha qabiil.

Khudbadda uu jeediyay Farmaajo ayaa laga dheehan karay isbarbar yaac iyo isku dheeli tirnaan la'aan dhanka siyaasadda ah sababtoo ah wuxuu u hadlayay si cara leh  mana laheyn miizaan siyaasadeed isagoo dad shacab ah oo dareenkooda muujinayay ku tilmaamayay Al Shabaab.

Halkan ka degso Khudbadda Farmaajo ama Hoos Ka Daawo


Related Items