Gaari Uuraal ah Oo Ciidamada Itoobiya looga Gubay duleedka degmada Ceelbarde.

Sunday April 14, 2019 - 09:38:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Gaari Uuraal ah Oo Ciidamada Itoobiya looga Gubay duleedka degmada Ceelbarde.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weerar hor leh oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Bakool ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ciidamada Xabashida Itoobiya kasoo gaaray weerar hor leh oo lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Bakool ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in qarax aad u xooggan ciidamada Xabashida Itoobiya shalay gelinkii dambe lagula beegsaday inta u dhaxaysa degmooyinka Xudur iyo Ceelbarde.

Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari Nuuca Uuraalka loo yaqaanna ah oo ay saarnaayeen tobanaan askar Itoobiyaan ah, Wariye ku sugan gobolka Bakool ayaa soo sheegay in gabi ahaanba uu gubtay gaariga qaraxu haleelay waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday ciidamadii la socday.


Wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxu uu ka dhacay meel ku dhow degmada Ceelbarde ee ku teedsan xuduud beenaadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya wuxuuna kamid ahaa Kolonyo gaadiid ah oo kusii jeeday dhanka degmada Xudur oo ay ku go'doonsanyihiin ciidamada Xabashida.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha.

Liibaan  Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items