Qarax Gaari looga gubay Ciidamada 'Jubbaland' Oo ka dhacay Buula Guduud.

Sunday April 14, 2019 - 20:12:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari looga gubay Ciidamada 'Jubbaland' Oo ka dhacay Buula Guduud.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lagula beegsaday maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lagula beegsaday maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay Jubbaland.


Qarax Miino oo maanta ka dhacay deegaanka Buula Guduud oo qiyaastii 30 KM ujira magaalada Kismaayo ayaa sababay in uu gubto gaari ay wateen ciidamada maamulka Axmed Madoobe.

Goob joogayaal ayaa sheegay in gaarigu ku gubtay meel aan ka fogeyn wabiga Jubba ee deegaanka Buula Guduud, dhinaca kale xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weerar hubeysan ka fuliyay gudaha magaalada Muqdisho.


Weerarka oo ka dhacay degmada Dharkeynleey ayaa  lagu dilay sarkaal katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Al Shabaab ku hadasha.

Weerarkan lagu dilay sarkaalka ayaa imaanaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho ay adkeeyeen ciidamada dowladda islamarkaana ay dhagxaan ku gooyeen waddooyinka waaweyn iyo jidcadayaasha muhiimka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items