Dhaqaatiirta Kuuba oo bilaabay in ay isaga baxaan Wadanka Kenya.

Monday April 15, 2019 - 12:07:24 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqaatiirta Kuuba oo bilaabay in ay isaga baxaan Wadanka Kenya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in dhammaan dhaqaatiirtii Ajanabiga aheyd ee ka socday dowladda Kuuba laga saaray gobollada qaar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in dhammaan dhaqaatiirtii Ajanabiga aheyd ee ka socday dowladda Kuuba laga saaray gobollada qaar.

Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dhaqaatiirtii Kuubaanka ahaa ay isaga baxeen gobolla ay kamid yihiin Gaarisa,Wajeer,Mandheera iyo Lamu.

Madaxa guddiga dhaqaatiirta Kuuba ee ka howlgala wadanka Kenya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dhaqaatiirta lagasoo daad gureeyay meelaha ka baxsan magaalada Nairobi.

Jimcihii lasoo dhaafay ayaa laba dhaqtar oo u dhashay wadanka Kuuba laga qafaashay duleedka magaalada Mandheera ee dhulka Soomaalida NFD, saraakiisha booliska dowladda Kenaya ayaa falkan afduubka ah ku eedeeyay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin balse wali wax ah kamasoo bixin Xarakada.


Guddoomiyaha gobolka Lamu ayaa sheegay in dhaqaatiirta Kuubaanka ah ee gobolkiisa isaga baxay ay adeegyo caafimaad oo muhiim ah u hayeen bulshada, ammaanka wadanka Kenya ayaa faraha kasii baxayay tan iyo markii ay melleteriga Kenya duullaanka kusoo qaadeen Soomaaliya wixii xilligaas ka dambeeyay ayay xoogaga Al Shabaab iyana howlgallo ka bilaabeen Kenya.

Related Items