Sawirro: Kaniisadda Ugu Weyn Wadanka Faransiiska Oo Gubatay.

Tuesday April 16, 2019 - 07:14:02 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Kaniisadda Ugu Weyn Wadanka Faransiiska Oo Gubatay.

    Dab xooggan ayaa burburiyay mid kamida kaniisadaha ugu faca weyn qaaradda Yurub oo ay leeyihiin dadka Nasaarada ah ee ku badan qaaraddaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab xooggan ayaa burburiyay mid kamida kaniisadaha ugu faca weyn qaaradda Yurub oo ay leeyihiin dadka Nasaarada ah ee ku badan qaaraddaasi.

Wararka ka imaanaya magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska ayaa sheegaya in si lama filaan ah uu dab uqabsaday Kaniisadda Notre Dame oo dhisan wax ka badan 8 qarni sida uu sheegay madaxweynaha Faransiiska.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha Intenetka ayaa muujinayay dabka oo ku faafay dhammaan dhismaha Kaniisaddan oo ay dhaxyaallaan asnaam ay caabudaan dadka gaalada Faransiiska.

Kaniisadda Notre Dame oo ladhisay 800 sana ka hor ayay dadka Faransiiska ah uyaqaanaan goob taariikhi ah waxaana sanad walba dalxiis ahaan utagi jiray malaayiin qof gaala ah.


"Kaniisaddu waa ay burburtay wax la sheegi karana kama harin balse ma ogi in Burjiga taariikhiga ah uu badbaadi karo" sidaas waxaa yiri horjoogaha Kaniisadda Notre Dame balse goor dambe oo xalay ah ayuu dabku baabi'iyay Burjiga kaniisadda iyo dhammaan qolalka ay ka koobantahay.

Emmanuel Macaron oo ah madaxweynaha Faransiiska oo gaaray goobta Kaniisaddu ku gubatay ayaa sheegay in uu ka murugeysanyahay wixii dhacay isagoo ballan qaaday in kaniisadda dib loo dhisi doono iyagoo adeegsanaya lacago Tabarucaad ah oo lagasoo aruurin doono shacabka Faransiiska.

Hay'adda UNESCO ayaa sagaashameeyadii Kaniisadda Notre Dame iyo Burjigeeda ku dartay goobaha ay u aqoonsantahay in ay yihiin taariikhi, dabkan gubay Kaniisaddan ayaa kusoo aadaya xilli masaajidda muslimiinta Faransiiska ay xadgudubyo kala kulmayaan kooxaha xagjirayaasha Nasaarada ah.












Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items