Askari Qof Shacab ah ku dilay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

Tuesday April 16, 2019 - 10:41:44 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Qof Shacab ah ku dilay Isgoyska Sanca ee Magaalada Muqdisho.

    Ciidamada dowladda Federaalka ayaa wali magaalada Muqdisho kasii wada dilalka ay ugeysanayaan dadka shacabka ah xilli dhowaan ay magaalada ka dhaceen dibad baxyo rabshado wata oo lagu diidanyahay tacadiyada ciidamada ka imaanaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa wali magaalada Muqdisho kasii wada dilalka ay ugeysanayaan dadka shacabka ah xilli dhowaan ay magaalada ka dhaceen dibad baxyo rabshado wata oo lagu diidanyahay tacadiyada ciidamada ka imaanaya.

Wararka laga helayo degmada Kaaraan ayaa sheegaya in askari katirsan ciidamada Booliska uu si bareer ah u toogtay qof shacab ah xilli uu ku socdaalayay wadada laamiga ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askariga dilka geystay iyo qof shacab ah ay muddo daqiiqada ah murmayeen kadibna askarigu uu rasaas uga dhuftay qeybta sare ee jirka ruuxii shacabka ahaa.

"askari katirsan ciidanka Booliska ayaa wiil dhalinyara ah ku toogtay isgoyska Sanca kadib murun dhaxmaray" sidaas waxaa yiri qof goob jooge ah oo warbaahinta lahadlay.


Laba maalmood ka hor ayay ciidamada DF-ka gudaha magaalada Muqdisho ku dileen illaa 8 qof shacab ah oo mid kamida uu ahaa Darawal kaxaynayay Mooto Bajaaj.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items