Madaxweynaha Kuuba Oo Sheegay in uu ka shaqeynayo sidii loosii dayn lahaa Dhaqaatiir looga qafaashay Wadanka Kenya.

Tuesday April 16, 2019 - 10:49:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Kuuba Oo Sheegay in uu ka shaqeynayo sidii loosii dayn lahaa Dhaqaatiir looga qafaashay Wadanka Kenya.

    Dowladda Kuuba ayaa markii ugu horraysay ka hadashay dhaqaatiir jimcihii lasoo dhaafay looga qafaashay gudaha wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kuuba ayaa markii ugu horraysay ka hadashay dhaqaatiir jimcihii lasoo dhaafay looga qafaashay gudaha wadanka Kenya.



Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Kuuba ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay qafaalka muwaadiniinteeda loogu geystay wadanka Kenya iyadoona soo dhowaysay tallaabada dhaqaatiirta Kuubaanka ah ay dib ugusoo laabanayaan wadankooda.

Madaxweynaha Kuuba ayaa farriin uusoo dhigay bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay in ay dadaal dheeri ah ku bixinayaan sidii ay xuriyadooda dib ugu celin lahaayeen laba dhaqtar oo isbuucii lasoo dhaafay lagu qafaashay gudaha Kenya.



"Wax walba ayay dowladda Kuuba ku bixinaysaa sidii ay dib loogusoo celin laheyd  dhaqaatiirta Kenya lagu afduubtay iyagoo Nabad ah" waxaa sidaas yiri Miguel Díaz-Canel Bermúdez oo ah madaxweynaha Kuuba.

Dowladda Kuuba ma sheegin qaabka ay usoo badbaadinayso muwaadiniinta laga qafaashay, Xukuumadda Kenya ayaa weerarkii lagu qafaashay laba dhaqtar oo Kuubaan ah ku eedaysay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxayna Kenyaanku rumeysanyihiin in dhaqaatiirta laqafaashay lala aaday dhanka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items