Hoggaamiyaha 'Puntland' Oo Shirkadda DP Usharciyeeyay Heysashadeeda Dekadda Boosaaso.

Tuesday April 16, 2019 - 11:06:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Hoggaamiyaha 'Puntland' Oo Shirkadda DP Usharciyeeyay Heysashadeeda Dekadda Boosaaso.

    Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa markale sheegay in uu sii socan doono heshiiskii uu marsada caalamiga Boosaaso uu ugu gacan geliyay shirkadda dekadahaa Dubai.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Puntland ayaa markale sheegay in uu sii socan doono heshiiskii uu marsada caalamiga Boosaaso uu ugu gacan geliyay shirkadda dekadahaa Dubai.

Saciid Cabdullaah Deni oo ah hoggaamiyaha maamulka Puntland ayaa magaalada Dubai kulan kula qaatay saraakiisha ugu sarraysa shirkadda DP World ee laga leeyahay isku tagga Imaaraatka Carabta.

Suldaan Axmed Bin Sulaym oo ah madaxa DP World oo ka hor hadlayay madaxweynaha maamulka Puntland ayaa sheegay in shirkaddiisu ay bilaabi doonto mashruuca lagu ballaarinayo dekadda Boosaaso balse ma sheegin waqtiga dhismuhu bilaabanayo iyo waqtiga uu dhammaanayo.

Ganacsatada gobollada waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ka cabanaya canshuurta xad dhaafka ah ee shirkadda DP  World  kusoo rogtay badeecadaha ganacsi ee ay kalasoo degaan Marsada Boosaaso.


Madaxweynaha cusub ee maamulka 'Puntland' ayaa mar uu warbaahinta lahadlayay sheegay in heshiiskii DP World lagula wareejiyay dekadda Boosaaso ku tilmaamay mid horumar dhan walba ah gaarsiinaya maamulkiisa iyo shacabka deegaannada Puntland sida uu hadalka u dhigay wuxuuna isku dayayaa in uu sharciyad siiyo dowladda Imaaraatka oo qeyb ka ah boobka dhaqaale ee lagu hayo dalka Soomaaliya.

Weerar bilo ka hor ka dhacay gudaha dekadda Boosaaso ayay Xarakada Al Shabaab ku dishay madaxii qeybta maamulka DP World oo u dhashay wadanka Malta waxayna xarakadu sheegtay in ay difaacayso ilaha dhaqaalaha dalka.

Liibaan Leexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items