Weerar 15 Askari Kenyaan ah lagu dilay Oo Ka Dhacay Xeebta Jubbada Hoose.

Tuesday April 16, 2019 - 20:20:55 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Weerar 15 Askari Kenyaan ah lagu dilay Oo Ka Dhacay Xeebta Jubbada Hoose.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamada Kenya kasoo gaaray weerar markale lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ciidamada Kenya kasoo gaaray weerar markale lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Jubbada Hoose ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.



Qarax aad u xooggan ayaa kolonyo katirsan ciidamada Melleteriga Kenya ku qabsaday deegaan lagu magacaabo Madharaan oo u dhaxeeya jaziiradaha Raas-kaanbooni iyo Buur Gaabo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu haleelay gaari xamuul ah oo ay la socdeen ciidamo badan oo katirsan Melleteriga Kenya waxaana jira khasaara lixaad leh oo gaaray ciidamada labeegsaday.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhintay 15 askari Kenyaan ah halka tira kale ay dhaawacyo kasoo gaareen markii uu qaraxu dhacay kadib ayay goobta kusoo degtay diyaarad Helicopter  ah halkaas oo ay ka daabushay meydad iyo dhaawacyo.



Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin Taliska ciidamada Kenya oo ku aaddan qaraxan khasaaraha badan dhaliyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items