Qarax Gaari looga Gubay Ciidamada AMISOM oo ka dhacay isgoyska Ex.Control Balcad.

Tuesday April 16, 2019 - 20:40:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari looga Gubay Ciidamada AMISOM oo ka dhacay isgoyska Ex.Control Balcad.

    Jugta qarax xooggan ayaa caawa maqribkii laga maqlay halka ay iska galaan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jugta qarax xooggan ayaa caawa maqribkii laga maqlay halka ay iska galaan degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay Miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday gaari xamuul ah oo ay wateen ciidamada AMISOM xilli uu marayay meel ku dhow Isgoyska Ex.Control Balcad ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen holac ka baxayay gaariga balse lama oga khasaaraha nafeed ee ciidamada AMISOM kasoo gaaray qaraxa.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items