Al Shabaab Oo Si Yaab leh Askari Itoobiyaan ah ugu dishay gudaha magaalada Baydhabo [Warbixin].

Wednesday April 17, 2019 - 10:22:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Si Yaab leh Askari Itoobiyaan ah ugu dishay gudaha magaalada Baydhabo [Warbixin].

    Xoogaga Al Shabaab ayaa gudaha magaalada Baydhabo ka geystay weerar lagu dilay askari katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore Meydka askari itoobiyaan ah oo lagu dilay gobolka Baay
Xoogaga Al Shabaab ayaa gudaha magaalada Baydhabo ka geystay weerar lagu dilay askari katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya.


Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya  in saacadihii la soo dhaafay gudaha magaaladaasi ay ka dhaceen weeraro lagu dilay ciidamo isugu jira Itoobiyaan iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay  xaafadda lagu magacaabo Makuudu oo ka tirsan xaafada magaalada Baydhabo waxaana lala beegsaday ciidamo katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur Galbeed.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in weerarka lagu dilay mid ka mid ah maleeshiyaadka maamulka Koonfur galbeed iyadoona  xoogaga Al Shabaab  ay ka qaateen  qorigii uu watay askariga ladilay.


Askariga lagu dilay weerarka  ayaa lagu magacaabi jiray Isxaaq Macalin Weyne sida ay sheegeen dadka deegaanka, rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay ayaa  laga maqlayay xaafado katirsan magaalada Baydhabo oo bilihii lasoo dhaafay ay ammaankeeda adkeeyeen ciidamada Xabashida Itoobiya.

Markii ay xoogaga Al Shabaab ay ka takhaluseen Askariga maamulka Koonfur galbeed  ayay  Ciidamada Xabashida  Itoobiya ee ku sugan gudaha Magaalada Baydhabo waxay isku soo dayeen in ay gurmad usameeyaan saaxiibadood balse xoogag katirsan Al Shabaab  oo meesha ugu diyaarsanaa Itoobiyaanka ayaa weerar kala hor tagay.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo Baydhabo ku sugan Ciidamada Itoobiyaanka ee goobta gaaray ayaa la kulmay weerar uga yimid Xoogaga Al Shabaab  waxaana halkaas lagu dilay ugu yaraan hal askari Itoobiyaan ah oo kamid ahaa ciidamadii gurmadka ahaa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay dib ugu laabteen saldhigooda magaalada Baydhabo iyagoo goobta ka jiitay Meydka Askarigii looga dilay dagaalka halka xoogaga Shabaabul Mujaahidiin iyagoo bad qaba ay si nabad gelya ah dib uga gurteen halkii lagu dagaallamay.

Dhacdadan ayaa si aad ah looga hadal hayaa magaalada Baydhabo waxayna dadku layaabeen dhiiranaanta ciidamada Al Shabaab oo iyagoo tira yar ku guuleystay in ay ladagaallamaan ciidamo huwan ah oo katira badan kana guuleystay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items