Al Bashiir oo loo dhaadhiciyay Xabsi kuyaal Magaalada Kharduum.

Wednesday April 17, 2019 - 10:23:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Bashiir oo loo dhaadhiciyay Xabsi kuyaal Magaalada Kharduum.

    Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in xabsi loo taxaabay Cumar Xasan Al Bashiir oo ahaa madaxweynihii hore ee wadankaasi oo Inqilaabka Melleteriga talada looga tuuray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in xabsi loo taxaabay Cumar Xasan Al Bashiir oo ahaa madaxweynihii hore ee wadankaasi oo Inqilaabka Melleteriga talada looga tuuray.


Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganaysa saraakiisha Melleteriga Suudaan iyo qoyska Al Bashiir ayaa faafisay in madaxweynihii hore lagu xiray Xabsiga Koobar ee bartamaha magaalada Al Khurduum oo ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo.

Gelinkii dambe ee maalintii talaadada ayaa Al Bashiir lagasoo qaaday guriga martida ee qasriga madaxtooyada waxaana loo wareejiyay xabsi uu kaligiis ku xirnaan doono illaa amar dambe, Jeneraallada Golaha Melleteriga KMG Suudaan ayaa diiday dalab uu Al Bashiir ugudbistay oo ahaa in loo ogolaado in uu ku noolaado wadanka Imaaraatka Carabta.


Dhinaca kale wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Uganda ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in magangelyo siyaasadeed ay siiso Cumar Xasan Al Bashiir oo waaral uga go'anyahay Maxkamadda Dambiyada ICC.

Khamiistii lasoo dhaafay oo taariikhdu ku beegneed 11 April 2019 ayay Melleteriga Suudaan jagada ka tuureen Al bashiir oo wadanka Suudaan maamulayay muddo 30 sanadood xiriir ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items