Weeraro lagu Miray qaar kamid ah Saldhigyada Ciidamada AMISOM Ee Sh/Hoose.

Thursday April 18, 2019 - 08:41:00 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro lagu Miray qaar kamid ah Saldhigyada Ciidamada AMISOM Ee Sh/Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weeraro xooggan markale lagu qaaday saldhigyada ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin deegaanno katirsan gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in weeraro xooggan markale lagu qaaday saldhigyada ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin deegaanno katirsan gobolkaasi.


Xoogag katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar ku miray saldhigga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin degmada Afgooye gaar ahaan agagaarka Buundada weyn, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.

Sidoo kale weerar ayaa lagu qaaday saldhigga ciidamada Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Mashallaay oo kaabiga ku haya degmada Qoryooleey, ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay dhowr jiho ka weerareen saldhigga ciidamada AMISOM balse lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka dhacay duleedka Qoryooleey.


Ma ahan markii ugu horraysay oo ay weeraro lakulmaan saldhigyada ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin degmooyin iyo deegaanno katirsan Sh/Hoose.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items