Madaxweynihii Hore ee Dalka Peru oo Dhimasho ka door biday Xabsi daa'in.

Thursday April 18, 2019 - 09:03:59 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Hore ee Dalka Peru oo Dhimasho ka door biday Xabsi daa'in.

    Waxaa si lama filaan ah isku dilay madaxweynihii hore ee wadanka Peru oo kamid ah wadamada dhaca qaaradda Laatiin America.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa si lama filaan ah isku dilay madaxweynihii hore ee wadanka Peru oo kamid ah wadamada dhaca qaaradda Laatiin America.


Wasiirka arrimaha gudaha Peru ayaa uxaqiijiyay warbaahinta in uu is daldalay Alan Garcia oo muddo sedax jeer ah soo hoggaamiyay wadankan,

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in madaxweynuhu uu ka codsaday ciidamadii ilaalada u ahaa in ay u ogolaadaan in uu xiriir taleefan lasameeyo qareenkiisa kadibna uu galay qol halkaas oo uu rasaas iskala dhacay dhanka madaxa.

Alan Garcia ayaa isdilay wuxuuna dhimashada ka doorbiday in lagu xukumo xabsi daa'in isagoo ku eedaysan musuq maasuq iyo xatooyada hanti dadweyne sanadihii uu xilka madaxtinimada Peru hayay.


Ninkan isdilay ayaa dalka Peru madaxweyne kasoo noqday sanadihii 1985, 1990.2006 ilaa 2011 xilligaas oo looga adkaaday doorashooyinkii madaxtinimada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items