20 Askari oo katirsanaa Ciidamada Dowladda oo isku dhiibay Xarakada Al Shabaab.

Thursday April 18, 2019 - 10:45:51 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    20 Askari oo katirsanaa Ciidamada Dowladda oo isku dhiibay Xarakada Al Shabaab.

    Xilli mushaar la'aan ay ka sheeganayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayna sameeyeen gadood cabasho ah ayay safka Shabaabul Mujaahidiin kusii qulqulayaan ciidamo isdhiibay oo Towbadkeenayaal ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli mushaar la'aan ay ka sheeganayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayna sameeyeen gadood cabasho ah ayay safka Shabaabul Mujaahidiin kusii qulqulayaan ciidamo isdhiibay oo Towbadkeenayaal ah.


Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan Gobolka Gedo ayaa sheegaya in askar farabadan ay saacadihii lasoo dhaafay iyagoo baxsad ah isku dhiibeen maamullada Islaamiga ah ee hoos taga Xarakada Al Shabaab.

Wariye ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegay in 16 Askari ay shalay iska dhiibeen deegaanno hoos yimaad magaalooyinka Garbahaarey,Baardheere iyo Ceelwaaq, askartan isku dhiibtay Al Shabaab ayaa sheegay in ay ka Towbadkeeneen la shaqeynta ciidamda Xabashida Itoobiya iyo dowladda Federaalka.


Dhinaca kale 4 askari oo katirsanaa Maleeshiyaadka dowladda ee ciidamada Itoobiya ku wehlin jiray duullaanka gobolka Hiiraan ayaa iska dhiibay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.

Afarta Askari oo ka goostay degmada Maxaas ayaa lagusoo bandhigay Maxkamadda islaamiga degmada Ceelbuur, isku geyn ciidamada ka goostay dowladda Farmaajo ee shalay lagusoo bandhigay wilaayaatka islaamiga ayaa gaaraya illaa 20 askari oo hubkoodu udhanyahay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items