Weeraro Xooggan oo lagu qaaday saldhigga Ciidamada Itoobiya ee degmada Garbahaarey.

Saturday April 20, 2019 - 08:19:16 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Xooggan oo lagu qaaday saldhigga Ciidamada Itoobiya ee degmada Garbahaarey.

    Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin Garbahaareey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhigga ciidamada Xabashida Itoobiya ay ku leeyihiin Garbahaareey.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ka dhaceen magaalada Garbahaarey oo xarun u ah Gedo.

Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamada 'Mujaahidiinta' ay weeraro qorshaysan ku qaadeen saldhigyada ciidamada gumeysiga Itoobiya ku leeyihiin gudaha degmadaasi.

Goob joogayaal ku sugan Garbahaarey ayaa warbaahinta u sheegay in dagaallada oo saacado badan qaatay ay saameyn ku yeesheen maleeshiyaadka DF-ka ee ciidamada Xabashida Itoobiya ku wehlinaya duullaanka Gedo, xoogaga Al Shabaab ayaa la arkayay iyagoo gudaha magaalada ka dagaallamaya waxyana dadka shacabka ah maqalayeen Takbiirta ciidamada mujaahidiinta.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada  Al Shabaab  ay gudaha ugaleen Garbahaarey iyagoona Itoobiyaanka kula dagaalamay saldhigyada ay ka sameysteen gudaha degmadaasi.

Related Items