28 katirsan Ciidamada Booliska Faransiiska Oo isdaldalay [Warbixin].

Saturday April 20, 2019 - 19:30:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    28 katirsan Ciidamada Booliska Faransiiska Oo isdaldalay [Warbixin].

    Tobaneeyo kamid ah askarta iyo saraakiisha Booliska dowladda Faransiiska ayaa naftooda gooyay xilli khalalaasa siyaasadeed uu ka jiro magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tobaneeyo kamid ah askarta iyo saraakiisha Booliska dowladda Faransiiska ayaa naftooda gooyay xilli khalalaasa siyaasadeed uu ka jiro magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi.


Dood kulul ayaa ka dhalatay Faransiiska kadib markii ay isdaldaleen 28 kamid ah askarta iyo saraakiisha Booliska wadankaas oo kamid ah wadamada ugu awoodda badan qaaradda Yurub, guddiga iskaashatada amniga Faransiiska ayaa xaqiijiyay in askartan ay isdileen lagasoo bilaabo Bishii Janaayo ee sanaddan 2019.

Wargeyska Loparezian oo soo xiganaya saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ciidamada Naftooda gooyay ay ka cabanayeen nasiino la'aan iyo shaqada oo ku badatay sababa la xiriira xukuumadda Faransiiska oo ku amraysay in ay si qasab ah ku kala eryaan dadka dhigaya dibad baxyada.


Khubaro Faransiis ah ayaa sheegay in arrintan ay fadeexad ku tahay dowladda Faransiiska oo awoodi waysay in ay shaqada ka khafiifiso ciidamadeeda islamarkaana ay u hoggaansato waxa ay ka cabanayaan shacabka dhigaya dibad baxyada ee codsanaya in shaqa la'aanta layareeyo islamarkaana hoos loo dhigo qiimaha lagu iibsado shidaalka.

Dibax baxyada ay soo abaabuleen Kooxaha Jaakadaha Jaallaha ah ayaa saameeyay dhaqaalaha Faransiiska waxayna dibad baxyadaasi maalin walba oo sabti ah ka dhacaan sedaxda magaalo ee wadanka ugu waaweyn.

Wargeyska Loparezian wuxuu sheegay in askarta Faransiiska ah ee isdaldalay lixdii sanadood ee lasoo dhaafay ay gaartay 249 askari waxaana ugu badnaa sanaddii 2014 oo ay naftooda gooyeen illaa 55 askari Booolis ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items