Qarax Gaari looga gubay ciidamada Bangaraafta oo ka dhacay KM13.

Sunday April 21, 2019 - 14:13:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari looga gubay ciidamada Bangaraafta oo ka dhacay KM13.

    Jugta qarax aad u xooggan ayaa maanta duhurkii laga maqlay deegaanka Taree dishe ama KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho xilli halkaas ay ku socdaalayeen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax ka dhacay Muqdisho
Jugta qarax aad u xooggan ayaa maanta duhurkii laga maqlay deegaanka Taree dishe ama KM13 ee duleedka magaalada Muqdisho xilli halkaas ay ku socdaalayeen ciidamo katirsan Dowladda Federaalka.


Wararka ka imaanaya duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen maleeshiyaadka Bangaraafta loo yaqaan ee Mareykanku tababaray.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay gaadiid dhowr ah oo ka yimid dhanka Shabeellaha Hoose kunasii jeeday magaalada Mqudisho, waxaa dhimasho iyo dhaawac noqday inta badan ciidamadii gaariga la socday.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas'uuliyadda qaraxan sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha, shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale ciidamada Bangaraafta lagu qarxiyay deegaanka Warmaxan ee Sh/Hoose.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items