Daawo Video: Lacago Malaayiin Dollar ah oo laga helay Hoyga Cumar Al Bashiir Madaxweynihii Suudaan.

Sunday April 21, 2019 - 14:11:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Video: Lacago Malaayiin Dollar ah oo laga helay Hoyga Cumar Al Bashiir Madaxweynihii Suudaan.

    Muctasim Maxamuud oo ah dacwad soo oogaha guud ee wadanka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen lacago boqolaal Milyan dollar ah oo uu qarsaday Cumar Xasan Al Bashiir madaxweynihii Suudaan ee isbuuc ka hor Inqilaabka melleteri lagu riday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muctasim Maxamuud oo ah dacwad soo oogaha guud ee wadanka Suudaan ayaa ku dhawaaqay in ay gacanta ku dhigeen lacago boqolaal Milyan dollar ah oo uu qarsaday Cumar Xasan Al Bashiir madaxweynihii Suudaan ee isbuuc ka hor Inqilaabka melleteri lagu riday.


Lacagtan ayaa laga helay Hoyga Al Bashiir oo kuyaal magaalada caasimadda ah ee Al Khurduum waxayna lacagto kala aheyd $351,000 (Sedax boqol iyo konton iyo koow kun oo dollar) 6 million euros (Lix Milyan oo Yuuroo) ($6.75m Dollar) Lix dhibic 75 Milyan oo dollar  iyo shan Milyan oo ah lacagta maxalliga suudaan.

Dhammaan lacagtan ayaa la sheegay in si shakhsi ahaan ah uu Al Bashiir ugu qarsaday gurigiisa magaalada Al Khurduum, saraakiisha golaha Melleteriga KMG ah waxay sheegeen in madaxweynihii hore dhowaan lasoo taagi doono maxkamad wuxuuna ku eedaysanyahay musuq maasuq iyo wax isdabamarin.


Hoos Ka Daawo Muuqalka Lacagta Al Bashiir ee laqabtay.


Related Items