Nin Kirishtaan Xagjir ah oo Kitaabka Qur'aanka Kariimka Ku gubay wadanka Denmark.

Monday April 22, 2019 - 09:56:38 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Kirishtaan Xagjir ah oo Kitaabka Qur'aanka Kariimka Ku gubay wadanka Denmark.

    Wararka ka imaanaya wadanka Denmark oo kamid ah wadamada la isku yiraahdo Iskandanevia-ka ayaa sheegaya in gaal xagjir ah oo hoggaamiya mid kamid ah Xibiyada wadankaas ka jiro uu ku xad gudbay Nuskhooyin kamid ah Qur'aanka Kariimka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Denmark oo kamid ah wadamada la isku yiraahdo Iskandanevia-ka ayaa sheegaya in gaal xagjir ah oo hoggaamiya mid kamid ah Xibiyada wadankaas ka jiro uu ku xad gudbay Nuskhooyin kamid ah Qur'aanka Kariimka ah.


Dhacdadan ayaa 14ki Bishan aan ku guda jirno ee Abril ka dhacday xaafada loo yaqaan Norboro oo ku taala bartamaha magalada Copenhagen oo ah caasimada wadanka, xaafadaas oo ay dadka Musliminta soo galootiga ahi ku badan yihin.

Guddoomiyaha Xisbiga Nahju Saliib ninka lagu magacabo Rasmos Palodan ayaa soo qaadday Nuskhoyin kamid ah Qur’anka, kadibna inta jeex jeexay ayuu hawada ku firdhiyay xilli uu dhex marayay xaafadaha ay deganyihiin dadka muslimiinta ah waxaana ilaalo gaar ah ka hayay tobanaan katirsan ciidanka police-ka Denmark mana jirin cid ka hor istaagtay xadgudubka uu ninkaasi ku kacayay.


Jaaliyadaha Muslimiinta wadanka Dermark ayaa dhigay dibad baxyo ay ku muujinayeen sida ay ugasoo horjeedaan xadgudubka uu kula kacay ninkaan gaalka ah ee muqadasaadka muslimiinta xumeeyay.

Wadanka Denmark waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah waddamada ugu farxada badan caalamka  sidoo kalena wuxuu ku faana wax soo saar aad u sarreeya iyo dhowrista waxa loogu yeero xuququl insaanka balse gaalada xagjirayaalka ah ee wadankan ku dhaqan ayaa sanadadii ugu dambeeyey tartan ugu jiray suurad xumeynta Islaamka, Nabigeena Muxamed SCW  iyo xad gudubyada ay kula kacayan Muqadasaadka musliminta, tallaabooyinka ay qaadeen ayaana caro ku beeray Malaayiin Muslimin ah oo kukala dhaqan daafaha caalamka.


Rasmos Palodan, ayaa sidoo kale Nuskhoyin kamid ah qur'aanka Kariimka dab ku qabadsiiyay afaafka hore ee aqalka Barlamaanka wadankaas 22Kii Bishii March ee aan soo dhaafnay, xilligaas oo goobta ay Salaad Jamaaco ah ku dukanayeen Boqolaal kamid ah dadka Muslimiinta ah oo u baroor diiqayay Xasuuqii loo geystay Musliminta, ee 15kii Bisha Maarso ka dhacay Wadanka New Zealand halkaas oo lagu dilay in ka badan 50 qof kuwa kalena uu dhaawacyo kasoo gaaray.

Ninkan ayaa dadka Musliminta ah hortooda ka jeediyay erayo Muujinaya Karaahiyada uu u qabo dadka Musliminta ah iyo sida uu u jeclaan lahaa in ay gabi ahaanba baaba'aan wuxuuna si aad ah usoo dhaweeyey xasuuqi ka dhacay wadanka New Zealand, balse xukumada ka jirto Coppenhagen ayaa ku ridday xabsi 2 isbuuc ah markii uu kasoo baxayna markale ayuu ku dhaqaaqay xad gudub ka dhan ah Qur’anka Karimka ah.
Wadanka Denmarka ayaa safka hore uga jira wadamada dagaalka kula jira muslimiinta sanadihii 2005 iyo 2012 ayuu wadankaas ka careysiiyay musliminta caalamka

Related Items