Dhimashada ka dhalatay Qaraxyadii Wadanka Sri Lanka oo 290 gaartay.

Monday April 22, 2019 - 16:35:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhimashada ka dhalatay Qaraxyadii Wadanka Sri Lanka oo 290 gaartay.

    Waxaa sii kordhaya khasaara dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weeraradii dhigga badan ku daatay ee shalay ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee wadanka Sri Lanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii kordhaya khasaara dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weeraradii dhigga badan ku daatay ee shalay ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee wadanka Sri Lanka.

Afhayeen u hadlay xukuumadda ayaa sheegay in dhimashada guud ee ka dhalatay 8 qarax oo wadanka ka dhacay ayaa gaartay 290 qof oo ubadan dad cibaado gaaleed u joogay 6 Kaniisadood.

Dowladda Sri Lanka ayaa weerarkan khasaaraha badan dhaliyay ku eedaysay Koox islaami Maxalli ah oo lagu magacaabo Al Towxiid, balse taliyaha Booliska wadanka ayaa sheegay in ay aaminsanyihiin in isku xirka weerarkan ay lahaayeen shabakado caalami ah.

Meelaha khasaaraha ugu badan uu ka dhashay ayaa ah qaraxyada Kaniisadaha lagu beegsaday waloow dad aan tira badneyn ay ku dhinteen qaraxyo kale oo lala helay Hoteello.


Hay'adaha ammaanka Sri Lanka ayaa ka shanqariyay in horay ay uheleen digniino muujinaya in weeraro kusoo wajahanyihiin xarumaha muhiimka ah ee wadankaasi.

Weerarkan khasaaraha badan dhaliyay ayaa imaanaya xilli bishii lasoo dhaafay ay weeraro lakulmeen Masaajid iyo goobo ganacsi oo ay leeyihiin dadka muslimiinta ee ku dhaqan wadanka Sri Lanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items