Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno Mucaarad ah oo Shir Uga Furmay Magaalada Nairobi.

Monday April 22, 2019 - 17:09:27 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiin iyo Xildhibaanno Mucaarad ah oo Shir Uga Furmay Magaalada Nairobi.

    Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya waxaa ka furmay shirar dhanka siyaasadda ah oo loogasoo horjeedo dowladda ay madaxda ka yihiin Kheyre iyo Farmaajo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya waxaa ka furmay shirar dhanka siyaasadda ah oo loogasoo horjeedo dowladda ay madaxda ka yihiin Kheyre iyo Farmaajo.

Madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa ka codsaday waxa loogu yeero Beesha caalamka in si madax banaan ay ula macaamilaan maamul goboleedyada.

Axmed Madoobe,Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Saciid Deni ayaa ka codsaday safiirrada dowladaha reergalbeedka ee magaalada Nairobi ku sugan in wixii macaamil ah oo ay uga baahanyihiin maamul goboleedyada ay si toos ah ula xiriiraan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in hoggaamiyaasha maamul goboleedyada ay dadaal ugu jiraan sidii ay dib ugusoo ceshan lahaayeen xiriiradii uu horay uga jaray Farmaajo.


Dhinaca kale Hotelka Pan Africa ee magaalada Nairobi wuxuu shir uga furmay Xildhibaanno,siyaasiyiin iyo rag horay xilal wasiirro ugasoo qabtay dowladda Federaalka.

Dhinacyadan shirsan oo dhammaantood mucaaradsan hanaanka maamulka ee Farmaajo iyo Kheyre ayaa lafilayaa in ay gaba gabada kulankooda warmurtiyeed kasoo saaraan.

Wajiyada shirka kasoo muuqday waxaa kamid ah Prof Gaandi oo ah xildhibaan horayna usoo noqday wasiir, Faarax C/qaadir oo ah Xildhibaan horayna usoo noqday wasiiru dowladaha madaxtooyada, Maxamed Cali Americo iyo Xildhibaan C/qaadir Cosoble.

Sidoo kale waxaa madasha shirka ku sugan siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo kamid ah hoggaamiyaasha Xisbiyada xildoonka ah ee sida aadka ah umucaaradsan Farmaajo.

Shirarkan ka socda magaalada Nairobi ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya dhammaan dadaalladii Xasan Cali Kheyre uu sameynayay bilihii lasoo dhaafay ee uu kusoo jiidanayay hoggaamiyaasha maamul goboleedyada iyo kooxaha mucaaradka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items