Biriqda Roobka Oo Dad ku waxyeellaysay deegaan Katirsan Gobolka Baay

Tuesday April 23, 2019 - 11:05:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Biriqda Roobka Oo Dad ku waxyeellaysay deegaan Katirsan Gobolka Baay

    Roobab Mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab Mahiigaan ah oo ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha soomaaliya.

Wararka ka imaanaya  gobolka Baay ayaa sheegaya in roobab saacado badan qaatay ay  ka da’een inta badan degmooyinka gobolkaas  iyo dhulka baadiyaha ah .

Roobabka oo ahaa kuwa Mahiigaan ah waxay da'een waqti jiilaal daran uu saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada, degmooyinka Buurhakaba,Buula Fuulaay iyo deegaanno hoos yimaad Diinsoor ayay biyaha xareedda ku hooreen.

deegaanka Ceel Ansaar oo hoos yimaad degmada Waajid ee gobolka Bakool wuxuu kamid yahay meelaha Roobabka Mahiigaanka ah ay ka da'een xilli biya la'aan baahsan ay heysay dadka iyo duunyada intaba.


Dhinaca kale dad shacab ah ayaa dhimasho iyo dhaawac noqday kadib markii ay Biriq kula dhacday deegaanka Kanaanax oo hoostaga degmada Buula Fuulaay ee gobolka Baay, dadka deegaanka ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay biriqda halka tira kale ay dhaawacyo kasoo gaareen

Raxmadda Eebe ee ka hoortay gobollada dalka ayaa ka dhigan faraxad weyn oo soomaalida usoo gashay marka loo eego harraadkii iyo diiftii ka dhalatay jiilaalkii raagay, inta ay xooluhu ubadbaadeen ayaa helaya naq wanaagsan halka beeralaydu ay fursad uhelayaan tacabka dalagyada maxalliga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items