Al Qaacidda Oo Bogaadisay Kacdoonnada ay dhigeen Shucuubta Suudaan iyo Al Jazaa'ir.

Tuesday April 23, 2019 - 11:56:29 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Qaacidda Oo Bogaadisay Kacdoonnada ay dhigeen Shucuubta Suudaan iyo Al Jazaa'ir.

    War rasmi ah oo kasoo baxay Hoggaanka sare ee Urur weynaha Al Qaacidda ayaa lagu bogaadiyay kacdoonnada ka socda dalalka qaar kamida dowladaha carabta ee dhaca qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay Hoggaanka sare ee Urur weynaha Al Qaacidda ayaa lagu bogaadiyay kacdoonnada ka socda dalalka qaar kamida dowladaha carabta ee dhaca qaaradda Afrika.

Bayaanka kasoo baxay Al Qaacidda oo ay faafisay Mu'asasada Ass-saxaab ayaa lagu ammaanay shucuubta ku dhaqan wadamada Al Jazaa'ir iyo Suudaan oo ku guuleystay in ay kacdoonno ku ridayaan laba kamid ah Hoggaamiyaasha Kaligood taliyaasha ah ee ugu caansan caalamka islaamka.

Hogaanka Al-Qaacida wuxuu si kal iyo laab ah u bogaadiyay kacdoonnadaas ay dhigayaan dadka muslimiinta ah, isagoona talooyin iyo towjiihaad dhaxal gal ah u jeediyay dadkaaa banaan baxyada dhigaya si kacdoonkooda uu u noqdo mid mira dhal ah.


"walaalaha mu’miniinta ah ee kacdoonnada ka dhigaya wadamada Suudaan iyo Aljazaa'ir, shucuubta muslimiinta ah ee kacdoomaya waxaan u mahad celineynaa Allaah idin jecleysiiyay oo idin diyaariyay in aad ku baxdaan dhawaaqiidda keligii taliyaasha ah iyo inaad hor istaagtaan dabadhlifyada iyo saliibiyiinta, waxaana Allaah uga mahad celineynaa in uu na tusay natiijada ka dhalatay booqashadii dhaaquudka Suudaan uu ugu tagay dhiigya cabka Bashaar Al-asad” ayaa lagu yiri horu dhaca bayaanka kasoo baxay hoggaanka sare ee Mujaahidiinta Al-Qaacidda, 

Wuxuu intasa sii raaciyay bayaanka "kacdoon wadayaasha daacadda u ah diintooda iyo umadooda waxaan idin leenahay u socda in aad diinta taagtaan, oo in la isku xukumo shareecada Islaamka ee darteeda naloo abuuray, socod kasta oo aan Alle dartii ahayn waa mid go’aya, kacdoon kasta oo aan sharciga Alle loo kacdoomina waa mid aan barako lahayan”.

Hoggaanka Ururka Al Qaacidda ayaa ammaan gaar ah u jeediyay shacabka wadanka Suudaan oo sagaashameeyadii wadankooda ku martiqaaday Sheekh Osama Bin Laden Amiirkii hore ee Al Qaacidda wuxuuna Bin laden xilligaas wadanka Suudaan ka hirgeliyay mashaariic samafal ah oo bulshada muslimka ah si heer sare ah uga faa'iideysatay.





Related Items