Al Shabaab Oo Sarkaal ku dhaawacday Baydhabo iyo Dagaal ka dhacay Golweyn.

Thursday April 25, 2019 - 11:52:20 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sarkaal ku dhaawacday Baydhabo iyo Dagaal ka dhacay Golweyn.

    Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa markale weeraro xooggan ku qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag aad u hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa markale weeraro xooggan ku qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.


Wararka ka imaanaya deegaanka Golweyn ee dhaca duleedka degmada Buula Mareer ayaa sheegaya in xalay halkaas ay ka dhaceen dagaallo culus.

Xoogaga Al Shabaab ayaa weerar qorshaysan ku qaaday saldhigyada ciidamada Uganda ay ku leeyihiin gudaha iyo hareeraha deegaanka Golweyn. goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen jabaqda rasaas ee lays dhaafsanayay iyo daryanka madaafiic.


Dhinaca kale Al Shabaab ayaa weerar khasaara dhaliyay ka fulisay gudaha degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarka uu dhaawac kasoo gaaray sarkaal katirsan qeybta garsoorka maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

Sarkaalka dhaawacmay oo magaciisa lagusoo gaabiyay Cali Nuur ayaa ladhigay isbitaal ay gacanta ku hayaan ciidamada Xabashida Itoobiya ee gummeysiga ku heysta magaalada Baydhabo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items