Jeneraallo Katirsan Golaha Melleteriga Suudaan oo iscasilaad ku dhawaaqay.

Thursday April 25, 2019 - 12:08:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jeneraallo Katirsan Golaha Melleteriga Suudaan oo iscasilaad ku dhawaaqay.

    Hoggaamiyaal katirsan Golaha Melleteriga KMG ah ee wadanka Suudaan ayaa markale ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkii ay hayeen kadib cadaadis xooggan oo ay kala kulmeen shacabka kacdoonka wada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaal katirsan Golaha Melleteriga KMG ah ee wadanka Suudaan ayaa markale ku dhawaaqay in ay iska casileen xilalkii ay hayeen kadib cadaadis xooggan oo ay kala kulmeen shacabka kacdoonka wada.


Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in ay iscasilaad ku dhawaaqeen illaa 3 Jeneraal oo katirsanaa Melleteriga Inqilaabka talada wadanka ku qabsaday 11-kii bishaan Apriil.

Golaha Melleteriga ayaa iclaamiyay in ay aqbaleen iscasilaadda ka timid Jeneraal Cumar Zeynul Caabidiin oo ahaa madaxii siyaasadda golaha iyo Jeneraal Jalaaludiin Sheekh iyo Baabakar Dayib oo dhammaantood si weyn uga dhax muuqday Inqilaabkii lagu maja xaabiyay Cumar Xasan Al Bashiir.


Hoggaamiyaasha kacdoonka ayaa shalay iclaamiyay in ay qaadaceen wadahadalladii ay lalahaayeen Golaha Melleteriga inta laga Eryayo sedaxda Jeneraal ee iscasilaadda ku dhawaaqay.

Malaayiin qof Suudaaniyiin ah ayaa waddooyinka magaalada Al Khurduum taagan waxayna ka war sugayaan wadahadallada socda ee lagu doonayo in lagusoo dhiso dowlad Rayid ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items