Daawo Sawirro: Macaahidda Wilaayada islaamiga Hiiraan oo Tartan Aqooneed loo qabtay.

Thursday April 25, 2019 - 12:19:08 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirro: Macaahidda Wilaayada islaamiga Hiiraan oo Tartan Aqooneed loo qabtay.

    Furashada Macaahidda islaamiga ah ee beelaha dega wilaayada islaamiga Hiiraan ayay ku aflaxeen kumanaan kamid ah ubadka ku dhaqan wilaayadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Furashada Macaahidda islaamiga ah ee beelaha dega wilaayada islaamiga Hiiraan ayay ku aflaxeen kumanaan kamid ah ubadka ku dhaqan wilaayadaasi.


Qabaa'illada kala duwan ee deggan gobolka Hiiraan ayaa bilaabay in ay ku tartamayaan furashada Macaahidda islaamiga ah ee lagu barto culuumta shareecada arrinkaas oo saameyntiisa ladareemayo, jahligii gudcurka madoow watay ayaa meesha ka baxay waxaana mandiqadda hareeyay nuurka cilmiga.

Magaalada Buq Aqable ee galbeedka Hiiraan waxaa lagusoo bandhigay Tartan aqooneed dhaxmaray illaa Afar machad oo ardaydii dhiganaysay ay dhammeysteen waxbarashada Afarta sanadood waxayna soo bandhigeen aqoon heer sare ah.


Macaahida tartamaysay waxay ka ahaayeen Machadka imamu Malik oo ay leedahay Jufada Caloofi Ee Beesha Gaal Jecel
, Machadka Ibnu Cabaas oo ay leedaay Jufada Abti Same ee Beesha Gaal Jecel iyo Machadka Abuu Bakar Sidiiq Oo ay Leeyihiin Jufooyinka Maadle iyo Makane oo lawada tirsan beesha Jareer Weyne.

Kaalinta Koowaad ee Tartanka waxaa galay Machadka Abuu Bakar Sidiiq waxaana lagudoonsiiyay lacag dhan Shan Boqol oo Doollar, halka kaalinta labaad uu galay Machadka Ibnu Cabaas waxaana laguddoonsiiyay laca dhan Afar Boqol oo dollar.

Hoos Ka Daawo Sawirrada Munaasabaddii lagu abaal marinayay macaahidda








Related Items