Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtey deeqo waxbarasho.

Thursday April 25, 2019 - 11:22:33 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo soo bandhigtey deeqo waxbarasho.

    Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa soo bandhigtay Deeq waxbarasho oo ay ka faa'iideyan doonaan ardayada Soomaaliyeed ee dhammeysta waxbarashada dugsiyada sare ee dalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud Telecom ayaa soo bandhigtay Deeq waxbarasho oo ay ka faa'iideyan doonaan ardayada Soomaaliyeed ee dhammeysta waxbarashada dugsiyada sare ee dalka.



Guddoomiyaha shirkadda Hormuud Cabdikariin Kaariye ayaa sheegay in barnaamijkan deeqda waxbarasho uu qayb ka yahay barnaamijyada lagu taakuleynayo laguna taageeryo dadka iyo dalka Soomaaliyeed, isaga oo kahadlayey dhinaca dumarka ayuu sheegay in dhammaan xarumaha waaweyn ee Hormuud ay dumarku ka shaqeeyaan isaga oo xusay in 158 qof oo ah shaqaale ka geeriyooday ama ka duqoobay Hormuud kuwaas oo lagu beddelay dad ay keensadeed qoyskoodu ay 42 kamid ah ay yihiin dumar.


Cabdikariin Kaariye Guddoomiyaha shirkadda Hormuud ayaa kasheegay munaasabadda in tayeynta iyo hagaajinta jaamacaduhu ay dabooli karto baahida guud ee dhinaca waxbarashada kahaysata guud ahaan dalka.

Faysal Cumar Guuleed wasiir kuxigeenka wasaaradda Waxbarashada oo Hormuud uga mahadceliyey soo bandhiggidda barnaamijka deeqaha waxbarashada ayaa sheegay in waxaasarradda waxbarashadu ay kujirto dadaal ballaaran oo dib loogu hagaajinayo waxbarashada, waxa uu sheegay in wasaaraddu diyaarineyso dhismaha guddiga tacliinta sare, taasina ay fududeyn doonto hagaajinta tacliinta sare iyo guud ahaan waxbarashada.

Ujeedka Barnaamijkan deeqda waxbarasho ee Hormuud Telecom ayaa ah in Hormuud telecom kaqaybqaadato kor u qaadidda iyo kobcinta aqoonta ardaya Soomaaliyeed ee dhammeysta dugsiyada sare.

Deeqda waxbarasho ee ay soo bandhigay Hormuud ayaa ah heer jaamacadeed iyada oo guud ahaan ardayda dhammeysa dugsiyada sare ay kaqaybgeli karaan islamarkaana heli karaan deeqadan waxbarasho, ardayada buuxisa shuruudaha ku xiran helidda deeqadan ayaa ah kuwa sida buuxda uga faa’iideysan doona deeqda waxbarasho.

Habka loo qaadanayo ardayda ka faa’iideysaneysa deeqada waxbarahso ee Hormuud ayaa ah imtixaan lagu gelayo 11 maaddo kaas oo ay ka qaybgelayaan labada boqol ee arday ee ugu sarreysa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare iyada oo soddonka arday ee ugu sareysa tiradaas labada boqol ah ay heli doonaan deeqdan waxbarasho ee Hormuud.










Related Items