Ciidamada Al Shabaab Oo Weerar Safballaaran ah Ku Qaaday Saldhigyo kuyaal deegaanka Sabiid.

Thursday April 25, 2019 - 20:59:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Weerar Safballaaran ah Ku Qaaday Saldhigyo kuyaal deegaanka Sabiid.

    Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in weeraro xooggan lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan ku sugnaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in weeraro xooggan lagu qaaday saldhig ay maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee Bangaraafta loo yaqaan ku sugnaayeen.


Xoogagga Al Shabaab ayaa caawa maqribkii weeraro safballaaran ah ku qaaday saldhigyo ay maleeshiyaadka Bangaraafta uga sugnaayeen deegaanka Sabiid oo kaabiga ku haya degmada Afgooye, warar hordhac ah ayaa sheegaya in Al Shabaab ay sedax weerar oo madaafiic ah ku qaadeen deegaanka Sabiid kadibna waxaa xigay weerar fool ka fool ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga Shabaabul Mujaahidiin ay maleeshiyaadka Banagaraafta kala wareegeen dhowr saldhig oo ay ku lahaayeen hareeraha Buundada Sabiid, Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa la sheegay in uu ka dhashay dagaalkii caawa ka dhacay duleedka Afgooye.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items