Nin Dad Muslimiin ah dili lahaa oo si lama filaan ah ufashilmay.

Saturday April 27, 2019 - 11:29:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Dad Muslimiin ah dili lahaa oo si lama filaan ah ufashilmay.

    Ku dhawaad 10 qof American ah ayaa dhaawacantay kadib markii weerar gaari jiirsiin ah uu ka dhacay mid kamida gobollada ugu waaweyn wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhawaad 10 qof American ah ayaa dhaawacantay kadib markii weerar gaari jiirsiin ah uu ka dhacay mid kamida gobollada ugu waaweyn wadankaasi.


Nin gaal xagjir American ah ayaa gaari xamuul ah jiirsiiyay dad ku socdaalayay gobolka California isagoo dadkaas umalaynayay in ay ahaayeen Muslimiin.

Saraakiisha Booliska Mareykanka waxay sheegeen in nin lagu magacaabo Chaia Joel Peebles oo 34 sana jir ah uu gaarigiisa jiirsiiyay dad wadada marayay wuxuuna dhaawacay illaa 8 qof oo qaarkood xaaladooda caafimaad ay aad u xumeed "Chaia Joel Peebles oo darawal ka ah gaari ayaa dad wadada marayay jiirsiiyay gaarigiisa isagoo dadkaa umalaynayay in ay yihiin muslimiin" ayuu yiri mid kamida saraakiisha Booliska.


Dadka dhaawacmay 3 kamid ah ayaa hal qoys kasoo wada jeeda, mas'uuliyiinta gobolka California waxay sheegeen in dhacdadan ay ula tacaamulayaan fal dambiyeed islaam naceybka qeyb ka ah, sanaddii lasoo dhaafay gudaha wadanka Mareykanka waxaa ka dhacay tobanaan kiis oo lagu weeraray masaajid iyo Maraakiz ay leeyihiin muslimiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items