Maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar oo Weerar Ku Qaaday Saldhigyada Ansaaru Shareecah Liibiya.

Sunday June 15, 2014 - 10:51:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar oo Weerar Ku Qaaday Saldhigyada Ansaaru Shareecah Liibiya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in dagaallo culus ka bilaawdeen magaalada Banqaazi ee dhacda bariga wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Tusaale dagaal ah
Wararka ka imaanaya wadanka Liibiya ayaa sheegaya in dagaallo culus ka bilaawdeen magaalada Banqaazi ee dhacda bariga wadankaasi.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka dagaal ooge Khaliifa Xaftar ay weeraro dhowr jiho ah ku qaadeen saldhigyada mujaahidiinta Ansaaru shareeca ee Banqaazi.

Warbaahinta ayaa soo warisay in dagaalka ugu culus uu ka socdo mandiqadda Sayidii Farax oo ay kuyaallaan xarumaha ugu waaweyn ee Mujaahidiinta Ansaaru Shareecah.

Dagaalka Banqaazi waxaa ka qeyb qaadanayay diyaaradaha dagaalka qumaatiga ukaca iyo gaadiidka gaashaaman oo ay ciidanka cadawga adeegsanayaan.


Weerarkan wuxuu kusoo aadayaa waqti mujaahidiinta Ansaaru shareecah ay maalmihii lasoo dhaafay weeraro ku qaadayeen saldhigyada dagaal oogaha Khaliifa Xaftar ee dhawaan iclaamiyay xamlada ladagaalanka waxa loogu yeero argagaxiso.

Related Items