Al Qaacidada Jaziiradda Carabta Oo War kasoo saartay Xasuuqii Culimada Sacuudiga,

Saturday April 27, 2019 - 16:24:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Al Qaacidada Jaziiradda Carabta Oo War kasoo saartay Xasuuqii Culimada Sacuudiga,

    Iyadoo maalma ka hor nidaamka Aala-Sacuud uu khaarijiyey ku dhawaad 30 ruux oo Muslimiin ah oo isugu jira Culimu iyo dhalabatul Cilmi ka soo jeeda dhulka Xarameynka ayaa arintaas waxaa durbaba war ka soo saaray hogaanka sare ee mujaahidiinta Alqaacid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo maalma ka hor nidaamka Aala-Sacuud uu khaarijiyey ku dhawaad 30 ruux oo Muslimiin ah oo isugu jira Culimu iyo dhalabatul Cilmi ka soo jeeda dhulka Xarameynka ayaa arintaas waxaa durbaba war ka soo saaray hogaanka sare ee mujaahidiinta Alqaacida ee Jaziiratul-carab.



Bayaan ku qornaa luuqada Carabiga oo uu ku saxiixnaa hoggaanka sare ee Tandiimka Al-Qaacida ee Jaziirada Carabta ayaa lagu gorfeeyey talaabadaas gurracan ee nidaamka Aala-Sacuud uu ku gumaaday maxaabiista Muslimiinta, waxaana ugu horeyn lagu yiri:

"Iyadoo qeyb ka ah dambiyada taxanaha ah ee uu nidaamka sharta iyo nifaaqa ee Aala-Sacuud u sameynayo raaligelinta reer galbeedka saliibiga ah, ayaan warbaahinta ka aragnay jariimo kale oo cusub oo loo geystay dhalinyarada ugu kheyrka badan ee Ahlu sunnaha ee ku xirnaa xabsiyada, kana mid ahaa mujaahidiinta dhulka Xarameynka” ayaa lagu yiri bayaanka.



Bayaanka waxaa si gaar ah loogu soo hadal qaaday boqorka Aala-sucuud, murtad Salmaan iyo wiilkiisa dhaxalsugaha ah ee la yiraahd Muxamad bin Salmaan, waxaana lagu sheegay in tallaabooyinka ay qaadanayaan ay ku doonayaan keliya iney ku raalli geliyaan saliibiyada Maraykanka.

"Salmaan iyo wiilkiisa fud-fudud, kuma raalli noqon maalka faraha badan ee ay ka boobeen hantida muslimiinta, iyagoo raadinaya raalli ahaanshaha Maraykanka, sidoo kalena kuma qancin xasuqii dhowr sano kahor ay u geysteen qaar kamid ah wiilasha umadda, illaa maanta ay markale gumaadeen rag sare oo katirsan wilaasha umadda, iyagoo raalli gelinaya Maraykanka” ayaa lagu yiri bayaanka.

Mar uu bayaanku ka hadlayey maxaabiista Muslimiinta ee xasuuqay nidaamka Aala-Sacuud ayaa lagu yiri: "Ragaas shuhadada ah waxaan ku tirineynaa iney ka mid ahaayeen wiilasha umadda iyo dhalinyaradooda ugu wanaagsan, waxay naftooda iyo wax weliba oo qaali ah u hureen sidii ay ugu hiilin lahaayeen diintooda iyo qadiyadaha umadooda. Waxay sidoo kale wax weliba oo qaali ah ku bixiiyeen sidii loo koryeeli lahaa muslimiinta meel weliba oo ay joogaan, raalli kuma noqon in umadooda oo dhibaateysan ay iyagu ku jiraan nolol raaxo leh, naftooda kama jeclaan nafta umadooda, umana jixinjixin iney iney kuleylka dhadhamiyaan iyagoo difaacaya umada” ayaa lagu yiri bayaanka.

Mujaahidiinta Al-Qaacida ee dhulka jaziirada carabta ayaa fariimo kulul u diray nidaamka Aala-Sacuud, waxayna ku dhaheen: "waxaan xukuumadda Aala-sucuud ku leenahay, dhiiga walaalaheena ma noqon doono mid aan kasoo qaad lahayn, waxaadna ku jirtaan kaliya saacado uu Allaah u kaadinayo daalimka, si uu sii kordhiyo xadgudubkiisa, kuna dhaboobo kalimadii Allaah uu ku xukumey gaalada ee ahayd inuu gacmihiisa iyo gacmaha Mujaahidiinta ku cadaabo” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xukuumada ridada ee Aala-Sacuud ayaa dishay ugu yaraan 37 ruux oo Muslimiin ah kuwaas oo ka mid ahaa maxaabiista muslimiinta ee mudada dheer u xirnaa nidaamkaasi, waxayna ku andacootay in dadkaas ay geysteen waxay ugu yeertay dambiyo argigixiso sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka.

"dadkan waxaa loo dilay inay ku biireen argigixisada, ayna abaabulayeen unugyo amni oo la doonayey inay qalqal geliyaan amniga wadanka” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay nidaamka Aala-Sacuud oo ay baahisay Wakaalada wararka SPA ee ku hadasha afka xukuumada.

Qaar ka mid ah dadka la dilay maalintii waxaa la sheegay in markii la dilay ka dib lagu salbiyey fagaare weyn, iyagoo muddo saacado ah yaalay halka salbiyey oo ahayd isla meeshii lagu dilay. Dad goobjoogeyaal ah ayaa sheegay inay arkayeen madaxyo iyo jirka la dilay oo ka soo laalaada tiirar surnaa fagaaraha.

Saraakiisha hay’adaha arimaha bani’aadanimada ayaa horay u sheegay in nidaamka Aala-Sacuud uu weli ku dhiiran yahay dilal wadareedka ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda maamulkooda, iyadoo dhanka kale aysan jirin wax jawaabcelin ama cambaareyn ah oo ka soo yeereysay dowladaha reergalbeedka ee saaxiibada la ah nidaamkaas, kuwaas oo badanaa la maqlo iyagoo sheeganaya xuriyad iyo bani’aadanimo.

Nidaamkan ayaa sanadkan aanu ku gudajirno oo aan ka qaadanay wax ka yar afar bilood khaarijiyey ugu yaraan 100 ruux oo maxaabiis Muslimiin ah sida ay sheegtay wakaalada wararka ee nidaamkaasi, halka sanadkii la soo dhaafay ee 2018-kana uu dilay ugu yaraan 149 ruux marka la eego warbixino ay baahiyeen hay’adaha ka faalooda arimaha bani’aadanimada.

Bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee mujaahidiinta Alqaacida ee Jaziiratul carab ayaa kusoo aaday, iyadoo maamulka Aala-sucuud uu todobaadkii la soo dhaafay toogtay maxaabiis Muslimiin ah oo ku jirtay jeelka nidaamkaas mujrimka ah.

Ma ahan markii ugu horeysay ee uu Aala-sucuud ku dhaqaaqo tallaabo noocan oo kale ah, waxaana la xusuustaa in sanadkii 2016-ka xarameynka lagu toogtay inkabadan 40 maxbuus oo ay ku jireen culimo waaweyn oo uu kamid yahay sheikh Faaris Aala-shuweyl Az-zahraani.

 

 

 

Related Items