Dagaallo Dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Galbeedka Itoobiya.

Sunday April 28, 2019 - 11:23:50 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Galbeedka Itoobiya.

    Dagaallo ayaa dib uga qarxay mid kamida gobollada wadanka Itoobiya oo sanadadii lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen xiisada colaadeed oo boqolaal qof ay ku dhinteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo ayaa dib uga qarxay mid kamida gobollada wadanka Itoobiya oo sanadadii lasoo dhaafay ay ka taagnaayeen xiisada colaadeed oo boqolaal qof ay ku dhinteen.


Wararka ka imaanaya galbeedka wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in ku dhowaad 20 qof ay dhinteen kadib dagaallo ka dhax qarxay maleeshiyo beeleedyo kasoo tallaabay Xadka Koonfurta Suudaan, guddoomiyaha gobolka Gambella ayaa warbaahinta u sheegay in dagaallo culus ay shalay ka bilaawdeen deegaannada soohdinta dhaca.

Dad ku sugan xuduudda ay wadaagaan Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan ayaa sheegay in dagaallo culus ay ka socdaan gobolka Gambella. dowladda Itoobiya ayaa ku eedaysanaysa qabiillada Koonfurta Suudaan in ay weeraro gardarra ah kusoo qaadaan xoola dhaqatada Gambella ee ku dhaqan gudaha Itoobiya.


Sanad walba kumanaan kun oo qof ayaa lagu dilaa gobollada dalka Itoobiya sababa laxiriira dirirta udhaxaysa qowmiyadaha kala dhaqanka iyo diimaha ah ee wadankaasi wada dega, bishii lasoo dhaafay gobollada Amxaarada iyo Oromo waxaa ka dhacay dagaallo dad badan ku dhinteen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items