Erdogaan Oo Reergalbeedka iyo Qaar kamid ah Dowladaha Carabta ku Eedeeyay in ay taageerayaan Khalifa Xaftar.

Sunday April 28, 2019 - 11:37:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Erdogaan Oo Reergalbeedka iyo Qaar kamid ah Dowladaha Carabta ku Eedeeyay in ay taageerayaan Khalifa Xaftar.

    Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay ka qeyb qaadanayso dagaalka lagula jiro dagaal ooge Khaliifa Xaftar ee ka socda Koonfurta waanka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay ka qeyb qaadanayso dagaalka lagula jiro dagaal ooge Khaliifa Xaftar ee ka socda Koonfurta waanka Liibiya.


Rajeb Dayib Erdogaan oo ah madaxweynaha Turkiga ayaa markii ugu horraysay ka hadlay taageerada lixaadka leh ee dowladaha reergalbeedka iyo kuwa carabta ay siinayaan maleeshiyaadka Xaftar ee doonaya in ay dagaal kula wareegaan magaalada Daraabulis ee caasimadda u ah Liibiya.

isagoo hadlayay ayuu sheegay in dowladdiisu ay isbarbar taagayso xukuumadda Alwifaaq si ay isaga difaacdo wax uu ugu yeeray Kaligii taliyaha taageerada ka helaya reergalbeedka iyo dowladaha carabta.


Wuxuu carrab dhabay dowladaha sida tooska ah uga qeyb qaadanaya dagaalka Liibiya sida Faransiiska,Sacuudi Carabiya iyo Imaaraatka wuxuuna ka digay in Liibiya ay noqon doonto sida Suuriya oo kale haddii aan gacmaha laqaban khaliifa Xaftar.

Dhinaca kale markab dagaal oo ay leedahay dowladda Faransiiska ayaa ku xirtay dekadda magaalada Raas laanoof ee wadanka Liibiya, Markabka oo siday saanado hub ah iyo doomaha dheereeya waxaa ka degay saraakiil Faransiiska ah kuwaas oo gudbay jiidda dagaalka ee Maleeshiyaadka Xaftar ka wadaan dagaallada ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan caadimadda wadanka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items