Shacabka Magaalada Beled Xaawo oo Jaray qeyb kamid ah Siligga Ay Dowladda Kenya dhererisay Xuduud Beenaadka.

Monday April 29, 2019 - 09:40:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Magaalada Beled Xaawo oo Jaray qeyb kamid ah Siligga Ay Dowladda Kenya dhererisay Xuduud Beenaadka.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca xadbeenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in dad caraysan ay burburiyeen darbi silig ka sameysan oo dowladda Kenya ay xuduud beenaadka ku dheririsay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ee dhaca xadbeenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in dad caraysan ay burburiyeen darbi silig ka sameysan oo dowladda Kenya ay xuduud beenaadka ku dheririsay.

Boqolaal qof shacab ah oo ku dhaqan magaalada Beled Xaawo ayaa shalay ku xoomay xuduud beenaadka waxayna ku guuleysteen in ay cagta mariyaan qeybo badan oo kamid ah Silliga lagu dhaadaaray dhulka kala qeybiya magaalooyinka Mandheera iyo Beled Xaawo oo labaduba kujira gacan gummeysi.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Kenya ayaa goordambe soo gaaray xuduud beenaadka balse kuma guuleysan in ay baajiyaan burburka loo geystay darbiga silligga ka sameysan.

Dowladda Kenya ayaa sanaddii 2018 qaadday olole ballaaran oo ay ku boobtay qeybo katirsan magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo balse dadka deegaanka ayaa arrinkaas ka dhiidhiyay.


Xukuumadda Kenya ayaa sanaddii 2015 ku dhawaaqday in ay ansixisay mashruuca darbi silig ka sameysan looga hirgelinayo xuduud beenaadka ay la wadaagto Soomaaliya iyadoo marmarsiyo uga dhiganaysa ka hortagidda weerarada Al Shabaab.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items