Wadahadalladii udhaxeeyay Mucaaradka iyo Golaha Melleteriga Suudaan oo Fashilmay.

Tuesday April 30, 2019 - 08:26:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadahadalladii udhaxeeyay Mucaaradka iyo Golaha Melleteriga Suudaan oo Fashilmay.

    Waxaa fashil iyo guul darro kusoo idlaaday wadahadallo dhanka siyaasadda ah oo u dhaxeeyay Golaha Melleteriga KMG wadanka Suudaan iyo kooxaha kacdoonka wadahadalladaas oo lagu doonayay in xal loogu helo dhibaatada wadankaas ka taagan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa fashil iyo guul darro kusoo idlaaday wadahadallo dhanka siyaasadda ah oo u dhaxeeyay Golaha Melleteriga KMG wadanka Suudaan iyo kooxaha kacdoonka wadahadalladaas oo lagu doonayay in xal loogu helo dhibaatada wadankaas ka taagan.


Ururka xirfadlayaasha Suudaan ee mucaaradka ah ayaa ku eedeeyay Golaha Melleteriga in ay wadaan isku dayo ay ku doonayaan in ay ku kala eryaan dadka iskusoo baxyada ka wada fagaarayaasha waaweyn ee magaalada Al Khurduum.


Wadahadallada fashilmay oo ahaa kuwa aan loo kala kicin ayaa ka dhacay xarunta ciidamada qalabka sida ee wadanka Suudaan, hoggaamyaasha kacdoonkii lagu riday Al Bashiir ayaa ku adkeystay in Melleterigu talada ku wareejiyaan xukuumad rayid ah halka saraakiisha Melleteriga ay diideen in si dhameystiran ay talada u wareejiyaan.


Jeneraal Cabdi Fatax Alburhaan oo ah madaxa golaha Melleteriga KMG Suudaan ayaa ugu baaqay hoggaamiyaasha kacdoonka in ay tanaasul muujiyaan ayna ka digtoonaadaan wax walba oo sii daba dheerayn kara dhibaatada dhanka siyaasadda iyo dhaqaalaha ah ee wadankaasi ka taagan muddo 6 bilood ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items