Sarkaal katirsan Ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Oo Buurhakaba lagu dilay.

Wednesday May 01, 2019 - 07:09:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal katirsan Ciidamada Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Oo Buurhakaba lagu dilay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay markale weerar hubeysan ku dileen mid kamida saraakiisha maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay markale weerar hubeysan ku dileen mid kamida saraakiisha maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

Xalay maqribkii ayay xoogag hubeysan waxay gudaha degmada Buurhakaba ku dileen sarkaal katirsan ciidamada Booliska 'Koonfur Galbeed' waxayna ka qaateen hubkii uu watay.

"Ciidamada Mujaahidiinta ayaa howlgal qorsheysan ku dilay mid kamida maleeshiyaadka Murtadiinta ee ka howlgala degmada Buurhakaba, mujaahidiinta ayaa askariga dilay xilli uu kasii baxayay saldhigga Booliska degmada kadibna waxay ka qaniimeysteen qori AK47 ah iyo booshkiisa" ayaa lagu yiri war lagasii daayay idaacadda Andalus.


illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed oo ku saabsan sarkaalka looga dilay degmada Buurhakaba.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items