Ciidamo Huwan ah oo dhaq dhaqaaq ka sameeyay Sh/Hoose [Warbixin].

Wednesday May 01, 2019 - 17:35:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Huwan ah oo dhaq dhaqaaq ka sameeyay Sh/Hoose [Warbixin].

    Ciidamo huwan Jinsiyada kala duwan leh ayaa maanta dhaq dhaqaaqyo melleteri ka sameeyay deegaanka Bariire ee hoos taga degmada Afgooye oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo huwan Jinsiyada kala duwan leh ayaa maanta dhaq dhaqaaqyo melleteri ka sameeyay deegaanka Bariire ee hoos taga degmada Afgooye oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxyo iyo rasaas xooggan ayaa maanta barqadii laga maqlay deegaanka Bariire, ciidamo isugu jiro American,AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa lagu weeraray inta udhaxaysa garoonka Lambar50 iyo deegaanka Bariire.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in ay maqlayeen jugta rasaas xooggan iyo qaraxyo waxaana dhici karta in  khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu gaaray ciidamadii huwanta ahaa.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xaaladda deegaanka Bariire degantahay waxaana gacanta ku haya ciidamada wilaayada islaamiga Sh/Hoose, waa beenoobay sheegasho afka baarkiisa aheyd oo kasoo yeertay saraakiil katirsan DF-ka ayna  ku sheegeen in ciidamadoodu ay qabsadeen deegaanka.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items