Askari Katirsan Ciidamada Dowladda Oo lagu dilay degmada Waaberi.

Thursday May 02, 2019 - 11:10:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Katirsan Ciidamada Dowladda Oo lagu dilay degmada Waaberi.

    Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar hubeysan ka geystay hareeraha wadada Makka Al Mukarramaha ee magaalada Muqdisho oo ammaankeeda ay si aad ah u ilaaliyaan ciidamada dowladda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Al Shabaab ayaa markale weerar hubeysan ka geystay hareeraha wadada Makka Al Mukarramaha ee magaalada Muqdisho oo ammaankeeda ay si aad ah u ilaaliyaan ciidamada dowladda.



Wararka ka imaanaya degmada Waaberi ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay askari ku toogteen gudaha degmada kadibna ay si nabad gelya ah goobta uga dhaqaaqeen.

Askariga la dilay waxa uu caan ka ahaa xaafadaha degmada Waaberi oo uu dadka ku dhibaateyn jiray waxaana dilkiisa soo dhaweeyay dadka degmada.

Howlgallada ka dhacaya magaalada Muqdisho ee lagu beegsanayo askarta dowladda ayaa sii xoogeysanaya maalinba maalinta ka dambeysa waxaana muuqata in Xarakada  Al-Shabaab ay dardar gelisay ugaarsiga ay ku heyso ciidamada iyo xubnaha dowladda Federaalka.



Dilalkan ayaa imaanaya waqti xaalad u eg bandow lagusoo rogay degmooyinka gobolka Banaadir islamarkaana xukuumadda Kheyre ay sheegtay in ay sugeyso ammaanka xarumaha dowladda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items